4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2020
Shir sannadeedka Garsoorka dalka oo maanta oo Muqdisho ka furmaya

 

Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo Shir Sanadeedka Garsoorka dalka oo sanad walba oo maanta kale la qabto

Shirka waxaa ka qayb gali doona guud ahaan laamaha Garsoorka ee heer  Federaal iyo Heer maamul Goboleed, Wasiirrada Cadaaladda Dowladda  iyo  Dowlad Goboleedyada ,iyada oo looga hadli doono arrimo la xiriira  Garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa.

Shirka ayaa waxaa sanadkn looga hadli doonaa caqabadaha heysta  Garsoorka dalka,waxyaabihii ka hirgalay balan qaadkii Shirkii sanadkii  hore la qabtay iyo sidii si huufan loogu Shaqeyn lahaa Shacabka  Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii hore kula dardaarmay garsoorayaasha kula  dardaarmay inay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan  garab-siinta qofka dulmiga wada iyaga oo shilimaad ka raadinaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]