Kheyre oo la kulmay wafdi ka socda Qarramada Midoobey
Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS, Xassan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska, Audrey Azoulay oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.
Kadib kulanka oo looga hadlay horumarinta wada shaqeynta Soomaaliya
iyo UNESCO, ayaa wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre oo qayb
ka ahaa shirka iyo Audrey Azoulay waxay kala saxiixdeen heshiis
Soomaaliya iyo UNESCO isaga kaashanayaan hurumarinta waxbarashada ayadoo
la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga eh.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska
ka sheegay in Soomaaliya ay aaminsantahay in dhaqanku qeyb ka yahay
sooyaalka bulshada iyo jiritaankeeda, islamarkaana muhiim u yahay
horumarka iyo hiigsiga mustaqbalka isaga oo intaa raaciyay in Soomaaliya
u taagantahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeeya
UNESCO. Soomaaliya ayaa UNESCO xubin ka aheyd laga soo billaabo 1960kii.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ku biiridda Soomaliya ee cahdiyada
UNESCO ee 1972 iyo 2003 waxey horseed u noqon doonaan in la dhowro
goobaha taariikhiga ah, dib loo nooleeyo hiddo-dhaqameedka, laguna daro
Diiwaanka caalamiga ah ee goobaha taariikhiga ah ee caalamka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]