4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2020
Puntland oo xukun dil ah ku fulisay 2 kamid ah raggii Caa’isha kufsaday oo dilay
 

Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Puntland ayaa goor dhow xukun dil ah ku fulisay labo kamid ah saddexdii xukumane ee loo haystay kufsigii iyo dilkii caa’isha Ilyaas Aadan.

HOL, ayaa ogaatay in xukunka laga reebay Cabdisalaan Cabdulaahi Warsame oo ay walaalo ahaayeen Cabdiftaax Cabdulaahi Warsame  oo kamid ahaa raggii qirtay kiiska.

Xukunkooda ayaa ka dhacay magaalada Bosaso halkaas oo ay ku xirnaayeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]