4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2020
Puntland oo berito laga sugayo inay toogato raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caaisha Ilyaas
 

Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Maxkamada sare ee Puntland ayaa berito laga sugayaa inay fuliso xukunka dil ah oo lagu ridayo raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caa'isha Ilyaas Aadan.

Masuuliyiinta maxkamada sare iyo qoyska marxuumad Caa'isha Ilyaas ayaa kuwada sugan magaalada Bosaso, halkaas oo la filayo in maalinta berito ah lagu fuliyo xukun qisaas ah oo aad loo sugayo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Aw-cismaan, ayaa horaantii bishii hore ee January sheegay in 11-ka bisha labaad oo berito ku astaysan la muddeeyay ridida xukunka dilka ah.

Saddexda xukumane ee wajihidoona ayaa lagu kala magacabaa, Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Qoyska Caa'isha Ilyaas ayaa maamulka Puntland u wakiishay in loo fuliyo xukunka qisaasta ah, si ay cadaalad u hesho gabadhooda oo bishii labaad ee sannadkii hore tacadigaas foosha xun loogu geystay magaalada Gaalkacyo.

Xukunkaan haddii uu fulo wuxuu ahaandoonaa xukunki ugu horeeyay ee nuuciisa oo laga fuliyo Puntland.

Waxaa kaloo xusid mudan in weli hay'adda garsoorka Puntland uu horyaalo kiis midkaan lamid ah oo ka dhacay Garowe bishii 3-aad ee sanadkii hore, kadib haweenay xaas ahayd oo inta gurigeeda loogu galay la kufsafay lana dilay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]