3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2020
Al-Shabaab oo gubay gaadiid u rarnaa shirkaddo ganacsi oo Kenya laga leeyahay
 

Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Weeraryahanno la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa Axadii gubay laba baabuur oo u rarnaa shirkado ganacsi  oo marayay meel ku dhow xerada H Young & Co ee ku taal Gobolka Lamu.

Wakiilka Gobolka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in kooxdii weerartay ay ku tuureen waxyaabaha qarxa mid kamid ah gawaarida xamuulka ah, taasoo sababay in gawaaridu gubato.

Shaqaalihii la socday gaariga ayaa ka baxsaday falkaan kadib markii ay ka boodeen gaariga ka hor intaanu dhibaatada soo gaarin.

Mr Macharia wuxuu sheegay in ilaa afar nin oo aad u hubeysnaa oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ay fuliyeen weerarkaan gaadmada ka dibna ay u carareen keynta u dhaw goobta.

Dhacdadan ayaa hakisay gaadiid wadada marayay muddo ku dhow hal saac iyadoo askar ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya (KDF) iyo booliis ay goobta gaareen.

Mr Emmanuel Wanyoike wuxuu sheegay weerarkaan in uu ahaa mid lagu cabsi gelinayo shaqaalaha dhismaha si ay uga tanaasulaan mashruuca.

Weeraradan ayaa yimid sadex todobaad kadib markii laamaha amaanka ay iska caabiyeen ku dhawaad 50 nin oo hubeysan oo si weyn looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Pandanguo oo ku taal, Lamu.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/10/2020 4:21 PM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Tababarihii xulka qaranka Soomaaliya, Bashiru Hayford ayaa iska casilay shaqadiisa, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay sportsnetgh iyo vibeweeks.

2/10/2020 3:05 PM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Wasiirka warfaafinta Puntland, Cali Sabarey ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu ka dhammaaday dulqaadkii uu u hayay saxaafada , isagoo yidhi” Madaxweynuhu wuxuu zero ka yahay inuu xamilo qaladka warbaahinta.”

2/10/2020 9:09 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan.

2/10/2020 5:14 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Maxkamada sare ee Puntland ayaa berito laga sugayaa inay fuliso xukunka dil ah oo lagu ridayo raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caa'isha Ilyaas Aadan.

2/10/2020 4:11 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in muddo ah ka taagneyd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan.

2/10/2020 2:14 AM EST
Isniin, Feberaayo 10, 2020 (HOL )– Wefti uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya.