4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2020
Qofkii ugu horreeyay dunida oo idil oo qaatay tallaalka Covid19ka

 

Talaado, December, 08, 2020 (HOL) - Wadanka Britain waxaa maanta ka billaabatay tallaalka cudurka COVID-19 kadib markii dalkaasi uu noqday dalkii ugu horreeyey dunida ee ansixiya in la bixiyo tallaalkaasi.

Haweenay 90 jir ah oo lagu magacaabo Margaret Keenan ayaa tallaalkan qaadatay, waxaana la saadaalinayaa ilaa 4 milyan oo qof in ay qaataan tallaalka ilaa dhammaadka bishan.

Qofkan ayaa noqonaya caalamka oo idil ruuxii ugu horreeyay ee la siiyo tallaalkan oo la aaminsan yahay in uu dawo u noqonayo cudurkan.

Guud ahaan waxaa uu qorshuhu yahay in la talaalo ilaa 40 malyuun oo qof, halka Waaxda caafimaadka ay u yeeri doonta qofka la talaalayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]