4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2020
Xildhibaano katirsanaa barlamaanka Puntland oo gudbiyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Deni
 

Talaado, December, 08, 2020 (HOL) -8 xildhibaan oo katirsanaa barlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo dhawaan xasaanadii laga xayuubiyay ayaa dowladda federalka Soomaaliya iyo beesha caalamka u gudbiyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Deni.

Waxay ku eedeeyeen inuu soo abaabulay mooshin sharci darro ah  oo iyaga xilka loo xayuubiyay, iyagoo sheegay in loogu hanjabay maxkamadayn iyo xarig sharci darro ah.

Waxay ku eedeeyeen madaxweyne Deni inuu faro galiyay shaqada golaha sharci dajinta uuna ku tuntay isla xisaabtankii dastuuriga ahaa iyo madax banaanida hayadda garsoorka oo uu ka dhigtay kuwa isaga rabitaankiisa ku shaqeeya.

Halkaan hoose ka akhriso bayaankaa xildhibaanada.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]