4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo awaamiir ku soo rogtay muwaadiniinta Kenyan -ka ah

 

Isniin, December, 07. 2020 (HOL) - War ka soo baxay hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhamaanba muwaadiniinta Kenyan -ka ah ee imanaya Soomaaliya marka hore Dal ku gal ah ka soo qaataan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Hay'adda ayaa sheegtay in ay arintan u sameyneyso xaqiijinta Amniga iyo waliba yareynta khatarta cudurka Covid19, sidaa daraadeed looga baahan yahay dadka ku safraya Baasaboorka Kenyan -ka ah looga baahan yahay in ay dal ku-galka ka soo qaataan safaarrada Soomaaliye ee Kenya.

''Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraya Baasaboorka Diblumaasiga ah  waxey u baahan yihiin in ay helaan ogolaashaha Wasaarradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga dowladda Soomaaliya'' ayaa lagu yiri qoraalka.

Qooralka ka soo baxay hay'adda socdaalka

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    :