4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay dowladda federalka in ay cadaadiska milatari ka dulqaado Jubbaland
 

Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay cadaadiska ciidan ka dulqaado Gobolka Gedo,si ay dowlad goboleedka Jubbaland u qabato doorasho madax bannaan oo lagusoo dooranayo xildhibaanada golaha shacabka.

“Dowladda federalka waa inay ciidamadeeda jooga Garbahaareey kala baxdaa, si ay Jubbaland u qabato doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri madaxweyne Deno oo ka hadlayay shirka iskaashiga a beesha caalamka iyo  Soomaaliya.

“Jubbaland waxay leedahay awood sharci oo ay doorashadeeda ku maamulan karto, si lamid ah dowladdaha xubnaha dowladda federalka, arintani waxay caqabad ku tahay in la gaaro doorasho xor ah,” ayuu sii raaciyay madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan  kulan u yeeshaan hoggaamiyaasha dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, si ay wax iskaga weydiiyaan walaaca laga muujinayo doorashada iyo sidii geeddi socodka doorashada loosii dargar galin lahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]