4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Puntland: Xarumaha ganacsiga oo dib u furmay iyo maamulka oo jaangooyay qiimaha sarifka dollarka
 

Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Xarumaha ganacsiga Puntland ayaa dib loo furay maanta oo isniin ah kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay u xirnaayeen sababa la xiriira sicir bararka dollarka iyo lacagta shilin Soomaaliga ah oo la diidanaa.

Furnaanshaha xarumaha ganacsiga ayaa yimid kadib markii shalay Puntland ay soo saartay go’aan lagu jaangoynayo sarifka dollarka, iyadoo ku amartay ganacsatada in halkii dollar lagu sarifo lacag dhan 35 kun oo shilin Soomaalya, halka uu markii hore ka ahaa ku dhawaad 50 kun SH,SO.

Sidoo kale, lacagaha shilin Soomaaliga ayaa si dardar leh looga isticmaalayaa Puntland, kadib markii uu shirkaddaha isgaarsiinta ay dhaqan galiyeen awaamiir maamulka kasoo baxay oo ku saabsan in aan la isku diri karin hal dollar iyo wixii kasii yar.

Puntland ayaa ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadayso cid kasta oo iskudayda in ay diido shilin Soomaaliga islamarkaana ka hor timaado jaangoynta sarifka qalaad ee dollarka.

Dadweynaha Puntland ayaa u arka tallaabo wanaagsan oo horseedaysa in lagasoo kabto dhaqaale xumada uu u geystay sicir bararka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]