4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Midowga Mushirixiinta oo xiisadda ka taaggan gobolka Hiiraan ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya

 

Isniin, December, 07, 2020 (HOL)  -  Midowga musharixiinta Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay soo saareen waxaa ay ku muujiyeen walaac  ay ka qabaan xasilooni darrada ka jirta gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Nabad-sugida Qaranka.

'' In leyska horkeeno dadka iyo Qabaa'ilka walaaha ee wadda-degga dowlad gobolleedka Hirshabeelle, waxey lid ku tahay Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya'' ayaa lagu sheegay qoraalka.

Dhinacooda ayeey sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka dadaal kasta oo lagu xalinayo soo afjarida khilaafka siyaasadeed ee hadda taaggan.

Hoos ka akhirso qoraalka :

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]