4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2020
Shir weynaha Qaran ee Shaqaaleysiinta oo Muqdisho ka furmay


Axad, December, 06, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta ka daahfuray magaalada Muqdisho shir-weynaha qaran ee Shaqaaleysiinta.

Shirkan oo ah midkii ugu horreeyay ee arrimaha Shaqaaleysiinta looga hadlayo , waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Dawladda Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada ee uu quseeyo, shirkadaha  ganacsiga, ganacsato, hay'adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga,Rugta ganacsatada Soomaaliyeed, ururrada Shaqaalaha, dhallinyarada iyo qeybaha Bulshada.

"Tani waxay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay dhammaan qaybaha kale duwan ee Dawladda, loo-shaqeeyeyaasha,shaqaalaha, iyo ururrada shaqaalahaba inay si wadajir ah sare ugu qaadayaan sidii fursado shaqo-abuur iyo shaqo-u-qalanta loogu heli lahaa shaqo-doonka Soomaaliyeed." ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray "U helitaanka shaqooyin u qalma dhammaan bulshada gaar ahaan dhallinyarada waa arrin ku culus dhammaan bulshooyinka caalamka. Shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhallinyaradeena waa dhibaato wayn oo qaran. Arrintani waxay saamayn daran ku leedahay sidii loo yarayn lahaa saboolnimada, loona heli lahaa xasilooni iyo amni,haddaba sidii aan u maarayn lahayn wax ka qabashada caqabadahan ayaa ah waxa aan isugu nimid inaan ku fallanqayno Shirwaynahan.”
Wasiir Duraan, wuxuu caddeeyay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  ay qaadan doonto door hoggaamineed si wax looga qabto shaqo la’aanta.

"Aragtida Dawladda Federaalka Soomaaliya waa sare u qaadida “Shaqo u qalanta iyo kobcinta shaqo-abuurka”. ayuu raaciyay hadalkiisa.

Amb Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya ayaa shir-weynaha ka sheegay Dawladda Soomaaliya inay labo jibbaartay dadaallada lagu dhimayo saboolnimada iyo shaqo la'aanta, arrintaa oo uu sheegay inay ku caddahay qorshaha Qaran.

Wuxuu ugu baaqay shirkadaha ganacsiga iyo hay'adaha inay muhiimad siyaan Shaqaalaha Soomaaliyeed, si looga baaqsado shaqaalaha dibadda laga keeno, taaso oo uu sheegay inay door weyn ka qaadaneyo shaqo la'aanta ay wajahayaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee bulshada ka ah boqolkiiba toddobaatan.

Shir-weynaha Qaran ee Shaqaaleysiinta oo labo maalin soconaya ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed waddada u jeexaya sidii lagu geeri lahaa inay dhallinyaradu helaan shaqo u qalanta iyo kobcinta shaqo-abuurka, sida u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya , Cabdullaahi Maxamed Cali.


Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]