4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2020
Mudaharaad xoogan oo ka socda Garowe iyo xarumihii ganacsiga oo gebi ahaanba albaabada loo xiray
 

Axad, December, 06, 2020 (HOL) - Mudahaarad xoogan oo loogasoo horjeedo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga iyo sicirka bararka ayaa saakay ka socda magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana gabi ahaanba albaabada loo xiray xarumaha ganacsiga.

Dadweynaha mudaharaadaya ayaa maamulka ku eedeeyay inuu masuul ka yahay dhibaatada culus ee Puntland ka jirta, iyagoo u sababeeyay go’aan uu dhawaan madaxweyne Deni ku joojiyay in canshuurta ilaha dakhliga lagu bixiyo shilin Soomaali.

Dadweynaha iskusoo baxay ayaa dalbanaya in maamulku wax ka qabto dhibaatada jirta islamarkaana uu dib uga laabto go’aamada mugdiga galinaya lacagta Soomaaliga ah.

Mudaharaadkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii uu xalay dhaqan galay go’aan lagusoo rogay shirkaddaha bixiyaha adeega lacagaha moobaylada la iskugu diro, go’aankaas oo ah in aan la isku diri karin hal dollar iyo wixii ka yar.

Sicir bararka Puntland ka jira ayaa sii xoogaystay kadib markii ay uu mugdi gashay isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga, iyadoo Puntland ahayd meesha kaliya ee Soomaaliya aan waligeed laga diidin lacagta Shilinka Soomaaliga.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]