4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2020
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka hadlay xiisada colaadeed ee ka taaggan magaalada Beledweyne

 

Jimco, December, 04, 2020 (HOL) -Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay mas'uul ka tahay rabashada iyo xiisadaha colaadeed ee ka taaggan magaalada Beledweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xiisadan iyo khilaafka ka taaggan magaalada Beledweyne ay salka ku hayaan Dowladda oo dhagaha ka fureysatay rabitaankii bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan oo dalbanayay in dhismaha Hirshabeelle laga hormariyo dib-u-heshisiin.

Arrrimahan oo dhan ayuu sheegay in ay dowladdu uga gon-leedahay in ay ku musuqmaasuqdo sida uu hadalka u dhiggay doorashada guud ee la filayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Hadalka hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa imanaya xili maanta magaalada Beledweyne ay ka dhaceen iska horimaadyo iyo dibad-baxyo looga soo horjeeday dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]