4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2020
Puntland oo digniin hor leh kasoo saartay duufaan kale oo kusoo wajahan xeebaha badweynta Hindia
 

Jimco, December, 04, 2020 (HOL)  - Puntland ayaa ka digay duufaan cusub oo  loogu magac daray "Burevi", taasoo suurtagal ah in ay kusoo wajahantahay bad-Waynta Hinidiya ayna isku badali karto roobab xoogan oo kusoo beegan  xeebaha puntland.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimiladu oo warkaan soo saartay ayaa kaluumaysatada iyo dadka ku nool deegaanada xeebaha ku wargalisay inay sameeyaan feejignaan iyo diyaargarow asbuuca soo socda.

Puntland ayaa haatan kasoo kabanaysa khasaaraha ka dhashay duufaantii GATI, oo sameyn ku yeelatay 70,000 qoys oo hantidoodii ku waayay.

Dabayaaqada sanad kaste, gaar ahaan bilaha November iyo December, Puntland ayaa dhibbane u noqotay duufaano ka yimaada badweynta Hindia iyo badda cas.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]