4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 13, 2020
Shir looga hadlayo Amniga Doorashooyinka dalka oo Muqdisho ka furmay

 

Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah waxaa daah furay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Maxamed Xijaar oo dhinaca kalana ah guddoomiyaha guddiga Amniga Doorashooyinka dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya saraakiil ka socta xafiiska madaxweynaha, kan Ra'iisal wasaaraha, taliyayaasha Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in shirkan uu sii socon doono ilaa 15ka bishan, iyadoo dhinacyada ka qeybgalaya isla gorfeyn doonaan arrimo la xiriira sugida Amniga madama dalka ay ku soo fool leeyihiin doorashooyinka heer Qaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar-garoow ugu jirta sidii ay dalka doorasho uga dhici laheyd ka hor mmuddo xilkeedka madaxtooyada oo ku eg 08 bisha Feberaayo sanadka 2021ka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]