4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2020
Shirka dib-u-eegista sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya oo lagusoo gabagabeeyay Muqdisho
 

Sabti, December, 12 2020 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa lagusoo gabagabeeyay shir socday labo maalin oo  looga wada tashanayay Dakhli-wadaagga Kalluumeysiga dalka iyo dib-u-eegista sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qayb galay Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo gobolka Banaadir, waxaana qodobadii lagu heshiiyay kamid ah  in loo guntado ilaalinta noolaha iyo deegaanka badda, ka hortagga kalluumeysiga sharci darrada iyo mideynta siyaasadaha Kalluumeysiga.

Puntland iyo Jubbaland kama aysan qeyb galin shirkaan.

Halkaan ka akhriso war murtiyeedkii kasoo baxay.


 


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]