4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2020
Guddoomiye Mursal: Barlamaanka 10-aad wuxuu awood buuxda u haystaa in uu sii shaqeeyo illaa laga dhaarinayo barlamaanka bedelaya
 

Sabti, December, 12 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa mar kale ku celiyay in uusan dalku gelidoonin firaaq dastuuri islamaarkana barlamaanka hadda jira uu sii joogidoono inta laga dhaarinayo barlamaanka 11-aad.

Guddoomiyaha barlamaanku waxa uu sheegay in dastuurka kumeel gaarka ah uusan marna oggolaanayn in uu dalku galo marxad firaaq ah, isagoo intaas ku daray in barlamaanka 10-aad uu awood uu lahaan doono inuu shaqadiisa caaadiga ah sii wato.

Wuxuu guddoomiyuhu xildhibaanadda horkeenay xeer uu soo saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh, kaasoo barlamaankii 9-aad ee xilligaas jiray awood u siinayay in ay hawshooda sii gutaan.

“Madaxweyne Xasan Sheikh iyo barlamaankii 9-aad ee xilligaas jiray iyagoo ka carayay in firaaq dastuur uu yimaado, waxay isla qaateen in barlamaanku sii shaqeeyo illaa 27-kii December 2016, “ ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo murashixiinta madaxtinimada qaarkood ay sheegeen in haddii uu dhamaado muddo xilleedka hay’addaha dastuuriga ay u aqoonsan doonaan in uu dalku ku sugan yahay marxalad firaaq ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]