4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2020
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Puntland oo yeeshay kulan wadatashi ah
 

Sabti, December, 12 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Kulanka oo ahaa mid albaabada u laaban, ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.

Raysal wasaare Rooble oo masuuliyadda ugu weyn ee saaran ay tahay inuu ka shaqeeyo mashruuca doorashada, ayaa doonaya inuu xal ka gaaro khilaafka iyo cabashada laga muujinayo hannaanka doorashada.

Waxaa uu tallaabada ugu horeysa ka billaabay inuu la kulmo madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka, si uu uga qanciyo  tabashadooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]