4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 10, 2020
Milkiilaha Astaan TV oo magaalada Hargeysa Xabsiga laga sii daayay

 

Khamiis, December, 10, 2020 HOL) - Waxaa xabsiga magaalada Hargeysa laga sii daayay milkiilaha TV-ga Astaan oo bishii hore maxkamada gobolka Maroodi-Jeex ku xukuntay 5 sano oo xarig ah.

Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed ayaa lagu sii dayay sida ay wararku sheegayaan cafis uu u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ma jirin cadeyn rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha loo haystay ganacsadahan, waxaana waqtiga uu xukunka ku dhacay la ganaaxay lacag dhan Labo milyan oo shilka Somaliland ah.

Ganacsadahan ayaa la sheegay in uu xanuunsanayay intii uu ku jiray xabsiga taas oo keentay baaqyo maxali ah iyo kuwa caalamiba ah oo lagu dalbanayay sii deyntiisa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]