4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2020
Muhadaraad xoogan oo loogasoo horjeedo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga oo Gaalkacyo ka socda
 

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) - Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland waxaa ka socda mudaharaad loogasoo horjeedo diidmada lacagaha shilinka Soomaaliga kadib markii madaxweyne Deni uu shalay soo saaray wareegto lagu mannuucayo in lacagta shilin Soomaaliga lagu qaado canshuurka ilaha dakhliga.

Wareegtada madaxweynaha ayaa kusoo beegantay xilli Puntland laga cabanayo sicir bararkii ugu xooganaa abid, iyadoo albaabada loo laabay inta badan suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka waaweyn Puntland.

Mudaharaadka maanta ka socda Gaalkacyo, ayaa ah mid xoogan, iyadoo dadku caro weyn ka muujinayaan hadalka madaxweyne Deni ee ah diidmada lacagaha shilinka Soomaaliya in lagu qaado canshuuraha.

Dibadbaxaayasha ayaa hakad galiyay isku socodka gaadiidka, iyagoo  taayaro iyo dhagaxaan ku jaray wadada laamiga weyn ee bartamaha Gaalkacyo.

Inkastoo madaxweyne Deni uu sheegay in go'aanka uu qaatay uu qeyb ka yahay dadaalada lagula dagaalamayo sicir bararka hadana, wuxuu dhinaca kale niyad xumo kusii abuuray shacabka la daalaa dhacayay sicirka bararka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]