4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 6 , 2020
Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika
 

Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Rag hubeysan oo loo badinayo iney yihiin burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxay dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsi ku haaystay magaalada Darban oo  ku taalla Gobolka xeebta leh ee KwaZulu-natal.

Ganacsada ah ayaa waxaa  lagu magacaabi jiray Faarax weyd. Waxa uuna kamid ahaa dhalinyarada ganacsiga wanaagsan ku haaystay magaaladaas, sida Hiiraan Online u sheegeen qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan

“Waxaan sameynay dadaal aan ugu gurmaneyno, markii aan ka war helnay in Goobta ganacsi ee Faarax la weeraray, tuugadii waan ka raacdeynay, laakiin nasiib xumo way toogteen” ayuu mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed u sheegay HOL.

Ciidamada ammaanka Booliska ee Darban ayaa waxay soo gaareen halka ay dhibaatadu ka dhacday, iyagoo billaabay baaritaan.

Dhalinyaro  badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhintay waddankaas sanadihii ugu dembeeyay, dhammaanna waxay ku baxeen gacanta kooxo hubeysan oo dhacayay ganacsigooda.

Waxaana aad u yar kiisaska dilalkaas ee cadaaladda helay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]