4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2020
Shil Baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Magaalada Baledweyne


Arbaco, Agoosto 5, 2020 (HOL) - Shilkaan gaari ayaa ka dhacay banaanka lagu magacaabo dharaqa oo ku yaala duleedka galbeed ee magaalada Baledweyne, waxaana shilkaasi ku dhintay inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar ah 5 ruux oo kalana way ku dhaawacmeen.

Shilkaan gaari ayaa yimid kadib markii gaariga oo la sheegay inuu ku socday xawaare badan uu ka baxay wadadii uu ku socday dabadedna uu rogmaday gaariga.

Dadkii ku dhaawacmay shilkaan gaari ayaa lasoo gaarsiyay isbtaalka magaalada Baledweyne kuwaas oo hada lala tacaalayo dhaawacyadii soo gaaray walow dadka dhaawacyada qaba ay ku jiraan kuwa dhaawacoodu halis yihiin.

Shilalka gaadiidka ayaa inta badan waxa sababa wadayaasha gaadiidka oo si xad dhaaf ah u kaxeeya gawaarida dabadeedna xakameyn waaya iyo wadooyinka oo ah kuwa intooda badan aad burbursan.

Hiiraan Online News Disk