4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2020
Colaado dhiig ku daatay oo soo afjaridooda oo ka bilaabmay waqooyiga iyo koonfurta degmada Laascaanood
 

Arbaco, Agoosto 5, 2020 (HOL) - Magaalada Saaxdheer oo dhacda koonfurta degmada Laascaanood oo ku dhowaad 70 Km u jirta ayaa waxa si rasmi ah maanta uga bilaabmay wadahadal  u dhexeeya laba beelood oo colaad dadbadan galaafatay ku dhexmartay degaano Buuhoodle hoostaga.

Wadahadalkan oo ay dhaabad u yihiin inta badan madax-dhaqameedka Gobolka Sool iyo Buuhoodle ayaa ah mid sanado badan soo noqday sababayna Dhimasho, dhaawacyo iyo barakac baahsan.

Bishii aan soo dhaafnay ayay ahayd markii labada  beelood colaad ku dhex martay degaanada Gocondhaale oo ah halkii ay ka bilaabantay, Horufadhi iyo Buuhoodle.

Dhinaca kale colaad laba beelood ku dhexmartay magaalada Adhi-cadeeye oo 30Km. waqooyi kaga quman ayaa dadaal la doonayo in lagu soo gabagabeeyo ay gudi isu xilsaartay ay ka wadaan degaanada ay wada degaan.

Maamulka gobolka iyo masuuliyiinta ciidamada ayaa maalinimadii shalay tegey degaanka Jidbaale oo la sheegay in ay cabsi colaadi ka muuqatay waxana ay ku goodiyeen in aanay ogolaan doonin ciidan urursan oo beeleed.

Maalmihii u danbeeyey hadalhaynta colaadahan ayaa si weyn looga dareemayey baraha bulshada iyo guud shaan goobaha fadhi ku dirika.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood