Arbaco, Agoosto 5, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa waxay war kasoo saartay diyaaraddii shalay shilka ku gashay magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose ee Koonfurta Soomaaliya.
newsinsideDiyaaradda oo ay leeyihiin ciidamada Militiriga waddankaas ayaa waxaa warka kasoo baxay dowladda Kenya lagu sheegay in guud ahaan 10 ruux oo saarnaa ay ku jiraan xaalad deganaan , waxaana lagu baxnaaninayaa cusbitaalka ciidamada difaaca Kenya ee Nairobi.
Warka kasoo baxay xukuumadda Nairobi wuxuu intaa ku darayaa in magaalada Dhoobley ay soo gaareen koox baarayaal ah , oo xaqiijinaya waxyaabaha keenay iney diyaaraddaasi shil gasho.
Sanadkaan oo keliya dhowr diyaaradood oo ay Kenya leedahay ayaa shil ku galay gudaha Soomaaliya, halka mid kamid ah diyaaradahaas lagusoo riday magaalada Bardaale oo ka tirsan Gobolka Baay 04-tii, bishii Maarso, ee sanadkan 2020-ka.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]