4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2020
Daacish oo qiratay geerida sarkaal ajnebi ah oo lagu dilay duqayn ka dhacday buuralayda gobolka Bari ee Puntland
 

Talaado, Agoosto 4, 2020 (HOL) - Kooxda Daacish ayaa bayaan dheer oo ay soo saartay waxay ku shaacisay geerida Khalid Jama Mohamed oo loo yaqaano Osman Abu Osama al-Muhajir oo katirsanaa saraakiisha Daacish ee ka howlgalayay gudaha Soomaaliya.

Bayaanka ISIS, ayaa lagu sheegay in Abu Osama al-Muhajir oo xubin muhiim ah ka ahaa hawlgalada warbaahinta ee Wilayat al-Sumaal oo ah garab kamid ah Daacish, lagu dilay gantaal ay la beegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Africom, xilli uu ku sugnaa Buuralayda gobolka Bari ee Puntland.

Osama al-Muhajir, ayaa horey uga tirsanaan jiray kana hawlgali jiray warbaahinta sare ee kooxda al-Shabaab.

Wuxuu ku biiray Al-shabaab qiyaastii 2010. Wuxuu tababar militeri ku soo qaatay xeryaha Al-Shabaab ee ku yaal caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobollada Baay iyo Bakool.

Intii uu ku jiray Alshabab, ayaa lagu dhaawacay dagaallo dhex maray al-Shabaab, dawladdii ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (TFG) iyo ciidamada Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Alshabaab waxay markii dambe ku xukumeen hal sano iyo sideed bilood oo xanbsi ah, kadib markii lagu helay inuu xidhiidh la sameeyay iskuna dayay inuu ku biiro  ururka Daacish.

Xogtu waxay markaa sheegaysaa in Cusmaan ugu dambeyntii ku guuleystey ku biirista Daacishta ka howlgasha Puntland halkaas oo kooxdu ay ka dhigtay joogitaankooda ugu weyn ee Soomaaliya.

Dhowaan, Puntland ayaa sheegtay inay dishay sarkaalkaan kadib dagaal ka dhacay buuraha Calmiskaaad ee gobolka Bari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]