4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2020
Somaliland oo diiday in ay Hargeysa yimaadaan Odayaal reer Muqdisho ah
 

Axad, Agoosto 30, 2020 (HOL) - Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo wafdi odayaal ah oo maanta lagu waday inay u safraan magaalada Hargeysa, ayaa amar kasoo baxay Somaliland loogu diiday inay Hargeysa usoo safraan.

Nabadoon Xaad oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay diyaaradii ka qaadi lahayd  garoonka Aadan Cadde in lagu amray in aysan qaadi karin odayaasha uu Xaad uu kamid yahay.

"Waan aamini weynay illaa aan tagno garoonka Aadan Cadde, oo diyaaradii aan raaci lahayn noo xaqiijisay in amar lagasoo siiyay Hargeysa loo sheegay in aysan soo qaadi karin odayaasha Muqdisho" ayuu yidhi nabadoon Xaad.

Maxamed Xasan Xaad wuxuu sheegay inay Hargeysa ugu socdeen dhalinyaro kasoo jeeda Muqdisho oo ku xiran Somaliland, kuwaas oo maamulka Somaliland u ballanqaaday in lasii daynayo.

Xaad ayaa ka dalbaday in Somaliland raalli gelin ka bixiso sababta looga celiyay Hargeysa iyo sababta ay weli u xiran yihiin dhalinyaro Somaliland u ballanqaaday in lasii daynayo.

Waa markii ugu horeysay oo odayaal ka socda Xamar loo diido Hargeysa,sida uu nabadoon Xaad sheegay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]