4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2020
Koox Ingiriis ah oo madax furasho siisay burcad badeed Soomaali oo sii daayay la haystayaal reer Iiraan ah
 

Axad, Agoosto 30, 2020 (HOL) - Koox Ingiriis ah ayaa gacan ka geysatey sii deynta seddex badmaaxiin reer Iiraan ah oo laga sii daayey burcad badeedda Soomaalida, iyadoo ay jirto xiisad kacsan oo u dhaxeysa Ingiriiska iyo Iiraan oo ku saabsan shaqaale samafal oo u xiran Tehran oo lagu magacaabo Nazanin Zaghari-Ratcliffe.

Heshiiska siideynta badmaaxiinta ayaa ku lug lahaa bixinta lacag madax furasho ah oo gaareysa $ 180,000 - oo ay garwadeen ka aheyd iskaashatada taakuleynta afduubka ee fadhigeedu yahay Boqortooyada Ingiriiska- taas oo uu isku dubbaridey diblomaasi hore oo British ah oo fadhigiisu ahaa Kenya, John Steed.

Tallaabdan ayaa waxay soo afjartay xaaladdii afduub baddeed ee ugu muddada dheerayd ee ilaa hadda gobolka ka jirta, iyadoo saddexda nin ay muddo shan sano iyo badh ah afduub ku haysteen burcad baddeeda Soomaalida.

In ka badan 2000 badmaaxe ayaa laga afduubay xeebta Soomaaliya intii u dhaxeysay 2005 - 2012, xilligaas oo burcad badeeddu noqotay ganacsi faa'iido badan leh, iyadoo ku dhowaad nus bilyan doolar lagu bixiyay madax furasho. Markii ay shirkaduhu bilaabeen inay ilaalo hubaysan saaraan maraakiibta. Halka  maraakiibta caalamiga ah ay bilaabeen inay roondo ku sameeyaan bada geeska Afrika marar badan, weeraradii way yaraadeen, laakiin gebi ahaanba ma dhiman.

"Tani waxay calaamad u tahay dhamaadka xilligii burcad-badeednimada Soomaalida, iyo xanuunka iyo dhibaatada la-haystayaashii la illaaway ee Soomaaliya," ayuu yiri Steed.

Sideed badmaaxiin Iiraaniyiin ah ayaa markii hore lagu qabtay markabkooda Siraj, oo ka kalluumaysanayay biyaha Soomaaliya, bishii Maarso 2015. Shan ayaa la siidaayay 2018. Badmaaxiinta waxay ku andacoonayaan in loola dhaqmay sidii ariga oo kale.

Iskaashiga Taageerada afduubka wuxuu xiriir balaaran lalahaa burcad badeeda Soomaalida dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Laga soo bilaabo 2013, waxay gacan ka gaysatay gorgortanka siideynta shaqaalaha seddex markab oo kale oo la afduubay oo milkiilayaashooda aysan caymis ku jirin.

Siideynta la heystayaasha reer Iran iyadoo loo marayo jilayaasha Ingiriiska iyo Iiraan ayaa si weyn ugu fududaaneysa xiisadda ka dhalatay xarigga Zaghari-Ratcliffe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]