4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2020
Duulimaadyada caalamiga ah ee Somaaliya oo maanta dib u furmaya
 

Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Duulimaadyada caalamiga ah ee hawada Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay dib u furmaya muddo afar billood iyo badh ah kadib.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii tagay ku dhawaaqday in duulimaadyada caalamiga ah ee gudaha iyo dibedda Soomaaliya ay dib u bilaaban doonaan 3-da August.

Duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa la joojiyay bishii Abriil sababo la xiriira faafitaanka caabuqa COVID-19.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii dowladdu ay dib u furtay duullimaadyadii gudaha bishii hore. Iskuulada iyo jaamacadaha ayaa dib loo furidoono 15ka August.

Soomaaliya, waxay xaqiijiyay in ka badan 3,000 kiis oo COVID-19 ah, 1,562 soo kabasho ah, iyo 93 dhimasho ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]