4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2020
Dowladda Ingriiska “Soomaalida oo keliya ayaa iska leh go’aanka doorashooyinka dalkooda”


Danjiraha dalka Ingriiska u fadhiya dalka Soomaliya Ben Fender iyo Ku-simaha R/Wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Mahdi M. Guuleed


Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Danjiraha dalka Ingriiska u fadhiya Muqdisho Ben Fender ayaa sheegay in la joogo xilligii Soomaalida ay go’aamin lahaayeen hoggaanka ay doonayaan, marka laga hadlayo nooca iyo qaabka ay noqon doonto doorashada soo socotana.

Hadalkaan ayaa waxa uu jeediyay markii uu ka soo laabtay dalkiisa.

‘Waxaan xushmeyneynaa madax-bannaanida Soomaaliya, cidda hoggaamineysa iyo ka shaqeynta doorashadaba waxaa go’aankeeda leh Soomaalida oo keliya” ayuu Fender ku yiri muuqaal laba daqiiqo ah uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka Arbacadii lasoo dhaafay.

Dhowr bilood ayaa ka haray doorashooyinka dalka , gaar ahaan  Baarlamanka iyo tan madaxweynaha oo la qorsheynayo in la qabto 8-da, bisha February, sanadka 2021-ka. Hase-ahaatee xisbiyada mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa dowladda ku qasbaya iney la qaadato nooc doorasho, si looga fogaado muddo kororsi.

Guddiga doorashada ayaa horay u codsaday 70 milyan oo dollar, si loo qabto doorasho dadweyne, taas oo ka bedalan tii dhacday dhammaadkii 2016-kii iyo billowgii 2017-dii, oo la aaminsanyahay in musuq maasuq badan uu hareeyay.

Danjiraha dalka Ingriiska ee Soomaaliya Fender ayaa waxa uu sheegay iney kusoo noq-noqdeen su’aalaha la xiriira halka dowladdiisa ay ka taagantahay doorashooyinka Soomaaliya, hase-ahaatee ay jawaabtu tahay in go’aanku ay Soomaalidu leeyihiin.

Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida, iney ka dhabeeyaan fulinta ballamihii shirkii ka dhacay Dhuusamareeb.

Hadalka safiirka UK ee Soomaaliya ayaa yimid xilli si weyn indhaha loogu hayay aragtida beesha caalamka ee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli dalka uu hadda galay marxalad kala guur ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]