4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2020
Ammar lagusoo rogay askarta ka tirsan qeybta 60-aad ee ciidamada xoogga Soomaaliya
 

Sabti, Agoosto 29, 2020 (HOL) - Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Janaraal Maxamed Shiikh Cabdullaahi Ciiro ayaa waxa uu amray ciidamada ka tegay furimaha dagaalka ee haya shaqooyinka leexsan iney si dhaqsi ah ugu laabtaan xerooyinkooda.

Waxa uu qeexay in askarta maqan ay ilaali u yihiin qaar kamid ah madaxda maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo nabaddoonno.  Waxa uuna askartaas u qabtay iney baraha ay ku qoranyihiin ku tagaan muddo 24 saac gudaheed ah.

Amarkaan uu soo saaray taliyaha 60-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Janaraal Ciiro ayaa waxa uu sheegay in askarigii aan fulin amarka uu la kulmi doono ciqaab xooggan .

Hadalka Janaraal Ciiro ayaa kusoo aadaya, iyadoo uu horay taliyaha ciidamada xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage uu horay amarkan oo kale usoo saaray.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]