4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2020
Dowladda Turkiga oo Soomaaliya ku wareejisay gawaarida gaashaaman ee Miinadu Karin
 

Khamiis, Agoosto 27, 2020 (HOL) - Warsaxafaadeed kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Turkigu ku wareejisay dowladda Soomaaliya Gawaarida U-adkeysata Miinada ee loo yaqaan "Kirpi"

Gawaarida oo ka kooban 12 xabbo ayuu Turkiga ku sheegay inay yihiin gawaaridii ugu horraysay ee gaashaaman oo ay yeelandoonaan ciidamada qaranka Soomaaliya ee SNA.

Ujeedada Turkigu u bixiyay gawaaridan gaashaaman ayaa ah, si ay u taageeraan dagaalka ay ciidamada qaranka kula jiraan kooxda al-Shabaab.

"Maanta, waxaan halkaan u joognaa inaan la wareegno gawaaridan gaashaaman ee casriga ah ee aan ka helnay walaalaheenna Turkiga. Waxaan uga mahad celineynaa taageeradooda militari," ayuu yiri taliyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Gen. Odawaa.

Turkiga ayaa deeqdan milatari sheegay inay qeyb ka tahay heshiisyo militari iyo iskaashi dhaqaale oo laba geesood ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]