4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2020
Kulan wadatashi oo Baledweyne ku dhexmaray Guddiga Fatahaaddaha Iyo Ururadda Bulshada Rayidka


Talaado, Agoosto 25, 2020 (HOL) - Kulan xasaasi ah oo isugu jiray taageero iyo dhiiragalin loo sameynayay Guddiga gurmadka iyo ka hortagista Fatahaaddaha Xaalka waara oo Baledweyne ku dhexmaray Ururadda Bulshadda Rayidka, Aqoonyahanadda, Odayaasha, Culuma'udiinka, Haweenka, Ganacsatadda, Dhalinyaradda iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xariira fatahaada wabiga Shabelle waxaana goobta ay Guddiga ka sheegeen in dadaalada ay wadaan ay marayaan meshii ugu wanaagsaneyd, ayna rajjo la taaban karo ay ka qabaan inaan sannadkan fatahaad looga barakicin xaafadaha magaalada Baledweyne sidii horayba u dhici jirtay, waxayna sheegeen in biyo xireeno waaweyn ay ka sameyeen goobaha uu wabiga Shabelle karkaarada ka jabsan jiray xiliyadda Fataahada.

Ururadda Bulshada Rayidka qeybahooda kala duwan ee kulanka kasoo qeyb galay ayaa dhankooda sheegeen iney ku garab istaagan yihiin Guddiga gurmadka fatahaadaha shaqadda culus ee ay u hayaan shacabka reer Baledweyne.

Gaba-gabadii kulanka waxaa la isku afgartay in wax lawada  qabsado oo laga hortago dhibaatoyinka ka dhasha fatahaadaha kuso noqnoqday magaalada Baledweyne iyo nawaaxigeeda sidii wax looga qaban lahaa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]