4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 23, 2020
Madaxweynaha Puntland oo kulan albaabada u laaban yahay la qaatay golihiisa wasiiradda iyo la taliyayaashiisa
 

Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Garowe kulan aan caadi ahayn kula yeeshay golihiisa wasiiradda iyo la taliyayaashiisa dhinacyada siyaasada.

Madaxweyne Deni ayaa golihiisa wasiiradda kala hadlay mowqifka la gudboon ee ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya uu marayo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka kadib markii Puntland bannaanka ka istaagtay heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusomareeb3.

Wax war ah lagamasoo saarin kulankaan oo ahaa mid albaabada uu u xirnaa, hase yeeshee warar lagu kalsoon yahay oo aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynaha Puntland uu kulamo la qaadandoono siyaasiyiinta, ururada bulshada iyo Isimada si uu uga dhegaysto aragtidooda la xidhiidha dariiqa ay wajahayso Puntland.

Puntland iyo Jubbaland ayaa ku cidlooday is-xulafaysiga siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib markii inta badan siyaasiyiintii iyo ururada mucaaradka ay soo dhoweeyeen heshiiska doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]