4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 23, 2020
Uganda oo Soomaaliya usoo diraysa 600 askari oo ku jiraan maleyshiyaad
 

Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya usoo diraysa Cutubka toddobaad ee ciidanka ilaalada xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Cutubkaan oo ka kooban in kabadan 600 oo nabad ilaaliyeyaal ah, waxaa qeyb ka ah tiro badan oo maleyshiyaad ah sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeys ka faallooda arrimaha Mitariga ee commandonepost.

Taliyaha ciidanka lugta Lt Gen Elwelu wuxuu ku wargaliyay Saraakiisha Ciidamada milatariga Uganda iyo maleyshiyada in shantii dufcadood ee ugu horeysay ee xafiiska qaramada Midoobay Soomaaliya loo diray ay qabteen shaqo wanaagsan iyagoo sumcad usoo hoyay Uganda.

Wuxuu intaas ku daray Uganda in ay mudan tahay in UN laga soo xusho oo ay qeyb ka ahaado Unugta Ilaalada xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dowladda Uganda waxay ciidamadan uga digtay inay ku kacaan falal xadgudubyo oo ka dhan ah xuquuqda, taasoo sharaf dhac u keeni karta Uganda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]