4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka kusoo celisay muwaadiin ku xirnaa dalka Iiran
 


Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa Dalka Iran kuwaasi oo maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintaan oo maanta saxaafada kula hadlay garoonka Aadan Cadde waxay sheegeen inay dhowr billood ku xayirnaayeen dalka Iiraan markii xabsiyada lagasoo siidaayay, sababo la xiriirta covid19.

Waxay muddo sanad iyo ka badan ku xirnaayeen dalka Iiraan, hase yeeshee dadaal dheer oo ay dowladda federalka sameysay ayaa lagu guulaystay in ay dib  u helaan xoriyadooda.

Waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay kusoo laabtaan ciidooda ayna dareemayaan in isbedel dowladdeed oo ka duwan markii ay dalka ka tagayeen.

Muwaadiniintan waxay qeyb ka yihiin kuwo badan oo dalka dib loogusoo celiyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]