4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2020
Qarax goordhaw ka dhacay garoonka Kubadda Cagta Baledweyne
 

Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Qarax la sheegay inuu yahay nooca dhulka lagu aaso aya goordhaw ka dhacay garoonka kubadda cagta Laqanyo Satdium ee Magaalada Baledweyne.

Qaraxa oo noociisu ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa haleeshay gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Booliska Hirshabelle kuwaas oo galab waliba suga amaanka garoonka kubadda Cagta ee Laqanyo ka hor inta aysan cayaarta bilaaban.

Qasaaraha ka dhashay qaraxa wali si rasmi ah looma xaqiijin walow goobjooge la hadlay Shabakadda HOL uu sheegay iney jirto qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaartay ciidamadii saarna gariga uu qaraxa haleelay.

Taagerayaasha kooxaha tartamayay ayaa iyagana ku sugnaa afaafka hore ee garoonka kuwaas oo sugayay in booliska baaritaanadooda kadib loo fasaxo galitaanka gudaha garoonka si ay u daawadan cayaarta dhexmari laheyd kooxaha ay kala taageerayeen.

 

Waxa sidoo kale gudaha garoonka xaadir ku dhex ahaa labada koox ee halkaasi tartanka galabta uu ku dhexmari lahaa, nasiib wanaag majirto wax waxyeelo ah oo qaraxaasi kasoo gaaray.

Ugu dambeyntii cayaartii lagu waday in galabta lagu cayaaro garoonka kubadda cagta Laqanyo ee magaalada Baledweyne ayaa la joojiyay waxana halkaasi kusoo kala dareeray tartamayaashi iyo tagerayaashooda oo murugo la fajacsan iyo waxaysan filaneyn.

Hiiraan Online News Disk