4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2020
Ayax ku habsaday meelo badan oo kamid ah Somaliland
 

Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Ayax tiro badan oo malaayiin ah ayaa ku degey magaaladda Hargeysa, meelo ay kamid yihiin madaxtooyadda Somaliland iyo wasaaradda beeraha ayuu si weyn ugu habsadey.

Ayaxan oo qulqulkiisa la dareemay dhowr cishe ka hor ayaa sidoo kale saameyn ballaaran u geystay dhul daaqsimeed kuyaala Somaliland, taas oo saameyn ku yeelatey hab nololeedkii xoolo dhaqatada iyo beeralayda.

Waxaa hadda laga cabsi qabaa in Ayaxu usoo gudbo dhinaca Puntland iyo Galmudug.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha cuntada iyo beeraha ayaa sheegaysa sanadkaan in ay hubinti la’aan ku dhacayso goosashada dallaga.

Balaayiin kamid ah cayayaankaasi oo ka soo haajiray saxaraha fog fog waxay ku dageen gobolada dadku ku badan yahay ee Bariga Afrika iyo Aasiya, iyaga oo goosanaya dalaga isla markaana soosaaraya macluul daran.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]