4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2020
Wasiirkii beeraha Hirshabeelle oo Jowhar lagu dilay
 

Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Wasiirkii wasaaradda beeraha ee maamulka Hirshabeelle Cabdikhaadir Abuukar Karaani sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Dowlad gobolaadkaas ayaa caawa lagu dilay magaalada Jowhar.

Cabdikhaadir Karaani ayaa dhowaan loo magacaabay xilkaas. Waxayna dad goob joogayaal ah sheegeen in la dilay xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaaddii Cishaha.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dilkiisa ay ka dembeeyeen rag ku hubeysan bastoolado, iyagoo dilka kadib ka baxsaday goobta uu falku ka dhacay.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay laammaha ammaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ku aaddan dilka caawa loo geystay wasiirkii beeraha Cabdikhaadir Karaani.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]