4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2020
Madaxweyne farmaajo oo kulan horudhac ah la qaatay qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir
 

Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Warsaxaafadeed madaxtooyada Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in kulanka diirada lagu saaray midnimada iyo wadajirku dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Kulanka waxaa ka maqnaa madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Jubbaland, kuwaas oo shaki la qalinayo inay kasoo qeyb galidoonaan shirka Dhuusomareeb, oo maanta lagu wado inuu furmo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]