4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 16, 2020
Xisbiyada Somaliland iyo guddiga doorashada oo isku khilaafay waqtiga doorashooyinka barlamaanka iyo dowladdaha hoose
 

Axad, Agoosto 16, 2020 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Somaliland wuxuu ku casuumay saddexda xisbi inay yeeshaan dood balaadhan oo ku saabsan goorta la qabanayo doorashada dawladaha hoose iyo baarlamaanka.

Xisbiyada mucaaradka, xisbiga talada haya, iyo Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa isku khilaafay jadwalka ugu dambeeya ee suurtogal ah ee doorashooyinka.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye wuxuu soo jeediyay in doorashooyinka la qabto muddo lix bilood gudahood ah halka Komishanka Doorashooyinka uu caddeeyey inay suurta gal tahay in la qabto doorashooyinka toban bilood gudahood.

Xubnaha xisbiga mucaaradka ah ayaa sidoo kale isku khilaafey waqtiga.

In kasta oo nidaamka axsaabta badan la soo saaray waqti dheer ka hor, Somaliland waxay weli caan ku tahay dib-u-dhigga doorashooyinka baarlamaanka iyo degmooyinka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku gacan seyray baaqyo aan kala go 'lahayn oo wakiilada dibada iyo kuwa gudaha ahba ay ku qabanayaan doorashada baarlamaanka iyo dawladaha hoose, si 15 sano kadib barlamaanka cusub loo doorto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]