4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 16, 2020
Sii-hayaha wasiirka waxbarashada oo booqanayo degmooyin ka tirsan Gedo
   
Axad, Agoosto 16, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo sii-haya wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxay u ambabaxeen maanta Gobolka Gedo, iyagoo tegaya magaalooyinka Garbahaarey, Luuq iyo Beled-Xaawo.

Socdaalka wafdigaan ayaa waxa uu yahay sidii loogu kuur gali lahaa xaaladda waxbarashada ee Gobolka iyo sidii sii-haya wasiirka waxbarashada Soomaaliya uu  u dhagax-dhigi lahaa dugsiyo ay wax ku barayaan carruurta ku nool Gobolkaas.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Gobolka Gedo.

Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigiisa ayaa ugu horreyn gaaraya magaalada Garbahaarey, kadibna waxay u gudbi doonaan degmada Luuq, iyagoo markaasi kadib u sii gudbi doona Beled-xaawo.

Ma ahan markii ugu horreysay uu wasiir Goodax booqdo Gedo intii uu hayay xilka wasaaraddan, waxaa sidoo kale jiray safar uu ku tegay kol hore Gobolkaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]