4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 16, 2020
Dhuusamareeb oo ay ka socoto qabanqaabada shirka halkaas ka furmaya
 

Axad, Agoosto 16, 2020 (HOL) - Waxaa saakay ka soconaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug qabanqabada shirka Dhuusamareeb 3 oo ay yeelanayaan madaxda dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada .

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay gaaray halkaas, iyadoo sidoo kale ay tegeen Dhuusamareeb madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed, waxaana hadda ku sugan magaalada xubno kamid ah xildhibaannada Baarlamanka iyo sidoo kale wasiirro ka tirsan dowladda iyo maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa waxaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo arrimaha doorashada soo socoto iyo sida Soomaaliya ay u wajaheyso, waxaa sidoo kale la iskula soo qaadayaa hannaanka ay doorashadu noqon doonto.

Dad badan oo aqoonyahan ah ayaa saadaalinaya in ay yartahay rajada is Af-garadka ah ee kasoo bixi karo, iyagoo taas u sababeeyay khdubadii uu shalay madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay Baarlamanka dowladda oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay muhiim tahay in dowladnimada dadka loo dhoweeyo. Taas oo lagu sheegay in micnaheedu yahay in uu ku qanacsanyahay qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]