4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 16, 2020
Cabdiweli Gaas oo iska fogeeyay inuu lunsaday dhaqaalihii heshiiska dekeda Bosaso
 

Axad, Agoosto 16, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Puntland, Abdiweli Cali Gaas, ayaa iska fogeeyay inuu lunsaday dhaqaalihii ku baxay heshiiskii dekeda Bosaso oo maamulkeeda ay kula wareegtay shirkadda DP world.

Shirkadda DP-world ayaa lacag $15 malyan ah siisay Puntland, taasoo ahayd lacag loogu magac daray xaqul qalin islamarkaana aan ku jirin heshiiska guud ee dekeda lagu maalgalinayo.

"Hal dollar igama soo gelin heshiishka dekedda Boosaaso, $15 malyan oo Puntland saxiixa loo siiyey waxaan ku dhisay garoomo, madaxtooyooyin iyo waddooyin".

Cabdweli  Gaas iyo xukuumadiisii hore ayaa lagu tilmaamaa inay sameysay musuq maasuqii ugu xumaa ee soo mara Puntland, waxaana meelaha aad farta loogu fiiqay kamid ah heshiiska dekeda Bosaso iyo mashruuca wadada Garowe iyo Galkacyo.

Labadan mashruuc ayaa weli ah kuwo aan la mahdin, waxaana saameyntii ka dhalatay ay culays ku keentay shacabka Puntland.

Balse, dhinaca kale marka leego waxay xukuumadaas hirgalisay dhameystirka mashaariic ay kamid ahaayeen garoomada diyaaradaha Garowe iyo Bosaso iyo hindisaha mashruuca iskutashiga dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]