4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 15, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo barlamaanka u ballanqaaday inuu kusoo celindoono heshiis kasta uu la galo dowlad goboleedyada
 

Sabti, Agoosto 15, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka hor jeedinayay barlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay heshiis kasta oo uu lasoo galo maamul goboleedyada inuu kusoo celindoono barlamaanka dhexdiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa aad ugu celceliyay in barlamaanka Soomaaliya uu yahay aas aaska dowladnimada.

“Waxaan idiin caddeynayaa heshiis kasta oo aan la gaarno madaxda dowlad goboleedyada, anigoo xushmaynaya inaad tihiin wakiilada shacabka Soomaaliyeed, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan dib idin kugusoo celindoono si aad kaalintiina ugu yeelataan,” ayuu yidhi madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay  in Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyaduba ay mar walba wada hadlaan, wada tashadaan, is qanciyaan, lana yimaaddaan qorsheyaal iyo go’aano.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Baarlamaanka 10-aad ee dalka shaqada ay qabteen muddadii uu socday Kalfadhiga 7-aad iyo hawlaha ay suurta galiyeen oo ay ugu horreeyaan Shuruucda hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya sida Sharciga Doorashooyinka dalka. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]