Sabti, April, 04, 2020 (HOL)- Haweeneyda u tartamaysa kursiga Kongareeska Maraykanka Ilhan Omar ayaa ku eedeysay Madaxweyne Trump inuu si xun u maareeyay jawaabta Mareykanka ee coronavirus.
'Waxaan u maleynayaa maalinba maalinta ka dambeysa inay sii caddaaneyso sida xun ee maamulkan gabi ahaantiisba ugu fashilmay talada shacabka Mareykanka,' ayay tiri Ilhan.
"Waxaan haysannaa dalka ugu qanisan adduunka waxaanna leenahay faa iidooyin badan, laakiin kumanaan, boqolaal kun oo dad ah ayaa u dhiman kara maamul xumadiisa iyo awood daradiisa,” ayay ku dartay Ilhan.
Mareykanka waxa uu xirey 277,999 kiis oo cudurka Covid 19 ah oo la xaqiijiyay iyo ugu yaraan 7,164 dhimasho ah.
Waxay intaas ku dartay in Trump uusan si buuxda u fahmin doorka lama huraanka ah ee la filayo inuu ka ciyaaro jawaabta Mareykanka iyo meelaha xudunta u ah cudurka inay aad u doonayaan sahay caafimaad.
“Wali wuxuu sii wadaa inuusan aqoonsan doorka ay mudan tahay inuu ciyaaro marka ay timaado hogaaminta ummad soo food saartay musiibo, 'ayay tidhi Ilhan Omar.
Wakiilka dimoqraadiga ah ee gobolka Minnesota, ayaa hadalkan ku sheegtay xilli ay wareysi siinaysay barnaamijka 'The Dean Obeidallah Show.