Ajaaniibta ku sugan Muqdisho ee laga helay fayruska Covid-19 oo korortay
Jimco, April, 03, 2020 (HOL) - Tirada ajaaniibta laga helay fayruska Corona ee ku sugan caasimadda Muqdisho ayaa gaartay labo ruux, sida laga soo xigtay guddiga ka hortagga faafitaanka Coronavirus.
Waxaan la sheegin dalalka ay ka soo jeedaan ajaaniibtaas, oo midkood horey uu u xaqiijiyay xafiiska Qaramada Midoobay inuu ka mid ahaa howlwadeenkooda.
Dadka laga helay fayruska ayaa haataan mareya shan qof oo ku sugan Muqdisho, waxaa intaas dheer in horey Soomaaliland ay u xaqiijisay labo ruux oo uu haleelay caabuqa.
"17 ruux oo baaritaan lagu sugayay ayaan sugeynaa dhowaan natiijada ka soo baxda.' sidaa waxaa yiri Dr Cabdirisaaq Yuusuf Jalaaludiin oo xubin ka ah guddiga ka hortagga faafitaanka Coronavirus.
Jalaaludiin, ayaa sidoo kale qiray xilli uu la hadlayay telefishinka afka dowladda ku hadla inay ku dhibtoodeen soo qabashada shaqsiyaad la kulmay dadka laga helay fayruska.
Bukaannada laga helay Covid-19 iyo dadka looga shakiyo ee ku sugan Muqdisho ayaa lagu hayaa isbitaalka Mariin oo loo asteeyay goobta karan-tiilka, sida uu guddiga sheegay.