
Khamiis, Abril 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa goor dhowayd magaalada Dhuusomareenb kaga dhawaaqay liiska Golihiisa wasiirrada oo ka kooban 23 xubnood.
newsinsideGolaha wasiiradda waxaa ka dhex muuqda xildhibaanada katirsan barlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Galmudug, sida Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka amniga iyo Saabir Shuuriye Nuur oo loo magacaabay wasiirka dekedaha iyo kalluumaysiga.
Halkaan hoose akhriso liiska magacyada golaha wasiiradda Galmudug.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online