Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Waqtiga maamul ee Madaxawenaha Koonfur
Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Lafta-gareen ayaa waxaa lagu kordiyay
muddo sanad ah , iyadoo arrintaasi looga gol leeyahay is-waafajinta
muddada xilka ee Madaxweynaha iyo kan baarlamanka Koofur galbeed oo
is-weydaarsanaa .
newsinsideMuddada oo horay u aheyd 4 sano, waxaa hadda ay noqoneysaa shan sano iyo dhowr bil, marka loo’eego muddo xileedka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Baarlamanka Koofur galbeed waxaa soo xulo salaadiinta dhaqanka ee beelaha, kadibna waxey doortaan Madaxweynaha maamulkaasi. Laakiin waxaa Madaxweyne Lafta-gareen doortay baarlamankii hore, iyadoo mar kale dib loo soo xulay baarlamankaan, haddase waxaa muuqanaya in xildhibaannadan cusub iyo Madaxweynaha uu waqti qura xilka ka dhammaanayo.
Cabdicasiis Axmed Barrow

Hiiraan online, Muqdisho