Khilaaf Xoogan oo ka jira xil-wareejinta xafiiska maamulka gobolka Hiiraan
Khamiis, April, 02, 2020 (HOL) - Khilaaf xoogan ayaa weli ka taagan xil lawareegista gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana diidan inuu xilka wareejiyo gudoomiyihii hore Cali Maxamed Caraale.
Gudoomiyihii hore Cali Caraale oo warbaahinta lahadlay markii xilka laga qaaday ayaa sheegay in aay dastuurka baal marsantahay xilka-qaadista lagu sameeyay. Waxaana uu sheegay in waqtiga xil haynta madaxda Hirshabelle uu dhamaaday.
Khilaafka ayaa sii kordhay kadib markii gudoomiyaha cusub uu isku dayay in si xoog ah uu kula wareego kursiga, hasa-ahaatee waxaa soo faragaliyay odayaasha dhaqanka oo shalay ilaa manta ku howlanaa sidii xal looga gaari lahaa xil-wareejinta.
Qaar kamid ah odayaasha oo aan manta laxariirnay ayaa sheegay in aay meel wanaagsan u mareeyso waan-waanta aay ku doonayaan in gudoomiyihii hore uu xilka ku wareejiyo si nabadgalyo ah. Waxayna intaas ku dareen inay ku guuleeysteen inay xaliyaan xiisadii jirtay.
Dadka kunool Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ayaa ku jahwareeray magacaabistan badan, waxaana sidoo kale aay dhib ku qabaan is qabqabsi joogta ah. Maadama gudoomiyihii hore Yuusuf dabageed sidan oo kale uu diiday inuu xilka wareejiyo.
Qilaafka kadhasha xil-wareejinta ayaa marmarka qaar sababa inuu isku dhac ka dhasho waxaana dhowr bil kahor xiisad noocan oo kale ah ku naf waayay taliyihii qeeybta booliska gobolka Hiiraan gashaanle Maxamed Mocoow.